Nimco Yaasiin Caraale - Safari Phone
Home
Price list
Link exchange
Register
Feedback
 
Sign in
Login:
Password:

forgot password?
Search:     
search in results

Advanced search

Catalog
Audio
VHS
DVD
Receivers
Fanaaniin Somali
    * Fanaaniinta Dumurka
    Fanaaniinta Raga
Fanaaniin Hindi
Bashaal
Games/Ciyaar
Prayer Times
Amin Amir Arts
Cunto/Food
The Holy Quran - Qur'an Al Kariim

Home / Fanaaniin Somali / Fanaaniinta Dumurka
Printer friendly version Printer friendly version

Nimco Yaasiin Caraale
enlarge...

Nimco Yaasiin Caraale

(vote(s): 128)

 
Rate this item
Excellent
Good
Average
Poor
Puny

In stock: yes

Magac Full : Nimco Yaasiin Caraale
Naanees : ?
Dhirir : ? "
Dhalatay : ?
Aabe : Yasiin Caraale
Hooyo : ?
Xaas Ahaan : ? Waa la qabaa
Walaalo : ?
Ilmo : ?


Intii Jishay: Halkaan Riix

Taariqda Fanaanada Fanaanad Qaran, Xidigta Nimco Yaasiin Caraale - Cod Qaali Ah.

Marka hore waxaan halkan Mahad-celin uga soo jeedinaayaa Akhristayaasha Somaaliyeed oo sida gaarka ah u xiiseeya arrimaha Fanka iyo Sugaanta oo Qoraalada badan ii soo gudbiyeey,anigoo sida Ku haboon u xurmeeynaayaa Tallo iyo bogaadinta Akhrisyaasha xurmo weyn iga mudan, waxaan dib u bilaabay laga bilaabo qormodan arr.ama Taxanidii Fanaaninta Somaaliyeed(Xidiga Waaweyn),qormadan ayaa ah ku Saabsan Fanaanad Somaaliyeed, Xidiga Caan ah, Cod Cajiib ah Xiligana la oran karo waa mida koowaad. -Fanka Somaaliyeed ayaa ah Hanti Qarameed qiimo weyn leh,Qansi dhaxal Ummadeed ah aan duugoobin weligii,Waxaana haboon In la Xusi ahamiyada Fanka iyo Sugaanta Somaaliyeed iyo doorka eey ka soo qaadatay Jiritaanka Qarankeena, Halgankii Xoriyadda, Inksatoo Dhaliilihiisu uu yeeshay intuu Burburka oo eey si weyn Uga Gaabiyeey Doorkoodii Wadaniyadeed gaar ah Abwaanadda iyo Fanaaninta intooda badani,Xidiga Fanka Somaaliyeed waa kuwo leh Maqaamkooda iyo Sumcadooda Faneed, Xurmo weyna ka Mudan Ummadda, Dhanka Hoobalada Haweenka ah kuwo Xusid mudan:- Marxumadii-Magool,Maandeeq, Sahra Axmed, Hibo Nuura, Saado,Maryan Mursan.F.Qaasiim,Aamina C/Laahi, Kinsi X.Aden. Baxsan, Zeynab Cige, Luul Jeylaani, Harawo,Shankaroon iyo kuwo kaleba,Qormadan ayaa ku saabsan Xidig Ka Da, yar kuwaas kuna soo biirtay fanka Bartamihii 80-kii,Ahna Xidig aan Qoraxdu Qarin, Codkeeda iyo hanaankeeda Faneed Heer Sare Yahay, Waana Xidigta Fanaanada Weyn-Nimco Yaasiin Caraale(N/Sharf) Magac si weyn loo garanaayo loona xiiseeyo Heesaheeda Cajiibka iyo Guud ahaan Hanaankeeda Faneed.

Fanaanadda Nimco Yaasiin Waxeey u dhalatay Asal ahaana ka soo Jeedaa Magaalada Taariikhdu weyn ku leh Waxbarashada iyo Aqoonta Somaaliyeed,Degaanka Jawiga Wanaagsan Magaaladda Shiikh,Kuna soo Barbaarintay Yaraanteedii iyo Waxbarashadeedii,Waxeeyna ka Noqotay Macalimadda Dugsiga H/Dhexe ee Magaaladaas, Nimco waxeey si weynuga muuqatay Degaankaas, waxeeyna ku sifoowday Karti, Dadaal iyo Dadnimo Wanaag, Fanaanadu iyadoo da yar ayeey ku biirtay Kooxddii Qaran ee Waaberi Muqdisho,Waxaana xusid mudan sida eey markiiba ula Qabsatay Kooxdaas oo eey ka buuxiin Xidigo waaweyn gaar ahaan Dhanka Hoobalada Haweenka,Laakiin Codkeeda Wanaagsan, Kartideeda Iyo Firfircoonideeda ayaa u ogolaaday in eey markiiba muuqato oo Qiimeyn weyn la siiyo, inkastoo xiligaas Dalku iska Qasnaa xaalad Jaha-wareer uu ku jiray,ayaan darro Nicmo iyo Fanaaniintii eey Isku Waqtiga ayaan ma helin Doorkii ku Haboona,Waxaan si weyn u Xusuustaa Heestii Cajiibka aheyd oo ee la Qaadado Fanaanka Weyn Shimaali Axmed Shimali:- -Ha burburinin wacadka.

Heesaha Iyo Albamadda Fanaanada Xidigta Weyn Nimco Yaasiin Lama soo koobi karaayo, waana kuwo si weyn loo xiiseeyo,qiimahoodaleh, kana turjumaayo Sheekooyin xaqiiqi ah, ereyada si gaar ahloogu soo xulay oo taabanayaa Dhegeeysto, kuna reebaaya Nuxurka Weyn oo Heestu wadato, Codka oo dhegahu u xiisaayaan iyo hanaanka Jilidda Fanaanada oo Ahamiyadiisa leh ayaa isu kaashaday Fankeedda Kana dhigay mid Heer sarre gaarsiisan, Nimco waxeey had iyo jeer soo Bandhigtaa Heeso Cusub oo aad iyo aad u wanaagsan, Sifooyinka Gaar ahaaneed ee Fanaanada weyn halkan laguma soo koobi karaayo, Qormadana ma aha mid ka hadleeysa Taariikhi Nolaledkeeda ama midka Faneedka ee waa Qormo anigu si gaar ah ugu Xurmeeynaayo Xidigtaas Somaaliyeed, Nimco waa Muwaadinad si weyn u Xeerisa Somaalinimada, Dalkeena Hooyo si weyn u jecel,Ummada Somaaliyeedna u siman yihiin Waa Fanand Qaran, Asluub Wacan Alle hibo u siiyeey, soo dhoweeyn Wanaagsan leh, Waji Farxadeed leh, Qalbi furan, Waana Sifooyinka Maanta laga Helin Dadka Somaaliyeed intooda badan.

-Heesha Fanaanada Xidgata Qaran Waxaa ka mid ah tusaale ahaan:-
-Meherka.
-Ha ka Baqin Dhangeeyga,
-Koow Iyo Toban Jeer Ka Badan.
-Hablaha waa la Qoslaa-
-Kala Maar-miin Weligood.
-Dookha Iyo Cishqigii.
-Aduundu waa Dhanbaal,
Nimco Fanand Qaran waa tahay,Cod Wanaagsan leedahay,Xidig weyn ayaad tahay, Somaaliyad dhab ayaad tahay,Wadaniyad weyna tahay, Dadkeena Magac ku leh, Gunaanadka Qormadaan gaaban, waxaan halkan Kaaga soo gudbinaayaa Amaan, Bogaadiin iyo Xurmo badan oo aad ku Muteeysatay Qiimaha Fankaaga Wanaagsan iyo Dadaalkaaga, Kartidaada Iyo Qiiradaada Wadaniyadeed-Hambalyo-Nimco Yaasiin Caraale-Xiddigaan Qoraxi Qarin, Fanaanad Qaran heerka Koowaad ah. Fanka Iyo Suugaanta Qorre-Xassan C/Laahi Sh (Xassan Carab).

News

Subscribe for the newsletter:



Poll
  

Language

Change currency

Please select a currency:








   
 
[ Home | | | Price list | Register ]
Copyright Safari Phone. All rights reserved.
Adress: 146 Seven Sisters Road, N7 7PL, London, UK. Tel: +44 (0)207 2639916