|
Dareenka Farshaxanka
Dareenka ayaa igu hoggaamiya
in aan sidaas wax u sawiro'
Fanka, qofba si ayuu bulshada
ugu soo bandhigaa fikarkiisa, isagoo adeegsanaya aqoon, waayo-aragnimo iyo
farsamo u gaar ah. Qayb ka mid ah fanka waa farshaxanka ‘Kartuunka’ oo
Soomaalida dhowaan-gal ku ah, kaas oo qayb ka ah moorada ballaaran ee fanka,
iyadoo nolosha casriga ah ee dunida maanta uu noqday aalad sarreysa oo loo
adeegsado dhinaca warbaahinta ‘Media’.
Soomaali ahaan, marka la soo hadal qaado Kartuun waxaa isla markiiba
maskaxda ku soo dhaca ninka lagu magacaabo Amiin Caamir. Wixii ka
dambeeyey 1970 ayaa soo bandhigga Kartuunku ka hirgashay dalka, wuxuuna
noqday qaab loo adeegsado wax u sheegidda iyo baraarujinta dadweynaha,
gaar ahaan xilligii Kacaanka. Amiin Caamir wuxuu ka mid yahay dadka
kooban oo Soomaalida, Kartuunka looga dambeeyo, waana badan yihiin dadka
markay maqlaan ‘Kartuun’ soo xusuusta magaca Amiin Caamir. Goobaha lagu
soo bandhigo farshaxanka, Tiyaatarada, Wargeysyada, Matxafka, Buugta,
waraaqaha derbiyada iyo xayeysiinta iwm, intaba waxay ahaayeen
fagaarayaal uu caan ka dhex yahay Amiin Caamir, intii la joogay dalkii
Soomaaliya.
Markii dagaalka sokeeye qarxay, Amiin Caamir, wuxuu sii waday
hal-abuurkiisa muujinaya dhibaatada Soomaaliya gaartay, welina ku socota!
Dalalka Yeman, Jabuuti iyo Kanada oo uu ugu dambeystii qaxii ku tegay,
dhammaantood wuxuu ku qabtay bandhigyo muujinaya Hidaha iyo dhaqanka,
nolosha iyo dhibaatada, gaar ahaan mushkiladda colaadda sokeeye oo
waxyaabaha la dumiyey fanku qayb weyn ka yahay.
Amiin Caamir waa qoraa sawirada Kartuunka. Wuxuu awood weyn u leeyahay
in uu hal sawir oo kooban ku muujiyo wax qoraal kale ku qaadan lahaa
bogag aan yarayn.‘Kartuunka waa ka sareeyaa oraahda, maxaa yeelay
sawirku wuxuu gudbi karaa degaanno kala fog, kuna kala duwan hidde,
dhaqan iyo afba’ waxaa yiri Amiin Caamir. Wuxuu ku nool yahay dalka
Kanada, magaalada Toronto. Wuxuu halkaas ku leeyahay Stuudiyo, wuxuuna
ku howlan yahay bandhigyo farshaxan, u badan dhinaca hiddaha iyo
dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ka dhigo dalka Kanada. Waxaa la shaqeysa
gabadhiisa oo iyaduna hibo u leh dhinaca Sawirada (Photograpy) iyo
adeegsiga Kombiyuutarka. Hal-abuuradiisadhinaca Kartuunka waxay joogto
ugu soo baxaan wargeyska Kasmo. Khaalid Macow oo dhowaan socdaal howleed
ku tegay dalka Kanada ayaa weydiiyey Amiin Caamir su’aalahaan:
S: Wax ma nooga sheegi kartaa noloshaada iyo sida aad ku bilowday
farshaxanka?
J: Anigu waxaan la fil ahay xoriyadda, waxaana dhashay sannadkii
1960kii. Waxaan ku dhashay magaalada Muqdisho. Ma sheegi karo waqti
xaddidan oo aan fanka bilaabay, waxaanse ogahay anigoo aad u yar oo
dhigta dugsi qur’aan, in aan bilaabay jacaylka sawirka. Waxaan xusuustaa
in la iiga maara-waayey in looxa aan ku dhigan jiray ‘Alif wax ma leh’
aan u adeegsan jiray sawiro, halkaasna mararka qaarkood ku mutaysan
jiray ciqaab. Waxaa kaloo jiray in derbiyada xaafadda aan deganahay aan
ku sawiri jiray sawiro dad iyo xayawaanba anigoo adeegsanaayo dhuxusha.
S: Sawiradaas ma jecleysan jiray oo dadku ma ku dhiiri-gelin jireen?
J: Waa kala duwanayd. Dadku qaar baa aabbahay u dacwoon jiray oo
mararka qaarkood waxaan mutaysan jiray canaan. Laakin waxaa jiray qaar
aad u jeclaa oo ii keeni jiray warqado ama alwaax in aan ugu sameeyo.
Sawiradayda dadka jecel waxay u badnaayeen dhallinyaradda xaafadda iyo
ardayda dugsiyada dhigta.
S: Waalidku ma kugu dhiiri-gelin jiray?
J: Aabbahay markuu arkay dacwooyinka badan ee ka imaanaya dadka leh
guryaha derbiyada aan wax ku soo sawiro, isla markaas isagoo ku fekeraya
in la iiga amaan helo derbiyada islaameed, waxay qasab ku noqotay in uu
ii soo gado qalabka farshaxanka, sida waraaqo iyo qalmaan midibo leh.
Wuxuu i dhihi jiray: banaanka ha u bixin oo halkaan ku sawir wixii aad
rabto’.
S: Dugsiga xaggee ku soo dhigatay?
J: Waxaan bilaabay aniga oo aan gaarin xilligii caruurta lagu geyn
jiray, waxaana sabab u ahaa maalin maalmaha ka mid ah ayaan wiil dugsiga
Villaagio Arabo dhigta oo ah xaafaddii aanu deganeeyn ayaan u sameeyey
sawir xayawaan kala duwan. Saaxiibkey markii la weydiiyey qofkii
sameeyey, wuxuu sheegay in wiil yari u sameeyey. Markaas ayaa waxaa wada
kulmay Maccalinkii oo hore ugu arkay derbiyada Sawiradii aan sameeyey,
hase ahaatee aan aqoon magaceyga. Durbadiiba Maccalinkii ayaa weydiiyey
dugsiga aan dhigto, waxaana loo sheegay in aan wiil yar ahay oo aanan
weli gaarin xilligii dugsiga.
Sidaasna waxaa isku bartay aabbahay iyo macallin Masri ah oo markaas
doonayey in uu I arko. Meeshaas ayaan ka bilaabay dugsiga, waxaana
noqday wiil la tartama dhinaca sawirka ardayda fasaladii iga sare. Marka
wax qor la I yiraahdo oo aan garanwaayo qoraalka, waan sawiri jiray,
iyadaana ii fududayd.
S: Laakiin khibrad weyn baad heshay, sidee?
J: Waxaan dhashay xilli dalka uu markaas xornimo qaatay oo dalka wax
badan ku cusub yihiin. Waxaan noqday nin nasiib badan. Maxaa yeelay, in
aan aqaanay gaar ahaan farsamada xardhidda (Graphic Design) iyo gaar
ahaan Kartuunka waxaan ku bartay waayo aragnimo. Ma jirin xilligaas
sanooyin taqasuus gaar ah ee waxbarasho ama awood badan oo aqoon lagu
dhaalacdo kutub ama dugsi gaar ah oo laga barto fanka. Waxaan helay
nasiib in aan la shaqeeyo Farshaxan Ruush ah ah xilligaas loo keenay
dalka in uu Wasaaradda Warfaafinta gacan ka siiyo dhinaca Madbacada
Qaranka. Ninkaas ayaan ka faa’iideystay farsamada Graphic Arts-ka, ka
dibna waxaa is baranay nin kale oo Talyaani ah oo isna goor dambe la
keenay Madbacadda.
S: Hiwaayadda iyo aqoonta Kartuunka, goormaad gaartay?
J: Marka hore waxa muhiim ah hal abuurka fikirka, ka dibna waxaa
imaanaya farsamdii la adeegsan lahaa. Taas oo badanaaba laga dhaxlo
waayo-aragnimada howsha mudada aad ku dhex jirto. Adeegsiga Kartuunka
waxaan bilaabay mar aan tababar ahaan ula joogay Wasaaradda Warfaafinta,
sanndihii 1970-1971kii. Xilligaas oo aan dhihi karo dowladdii Militariga
waxay xoogga saartay dhinaca baraarujinta bulshada, gaar ahaan
Brobaangada iyo Kicinta dadweynaha.
Waxaa jiray baahi weyn ee dhinaca farshaxanka, sida warqad derbiyeedyo
(Posters), Boorar waaweyn iyo hal-ku-dhigyo waddooyinka magaalada lagu
dhejiyo. Anigu waxaan dhihi karaa meeshaas ayaan ka helay waayo-aragnimo
weyn. Maxaa yeelay, waxaan fursad u helay in aan sawiro farshaxanno
badan, hadday tahay boorarka aan soo xusay, Sawiro hiddaha iyo dhaqanka
oo lagu soo bandhigay dalka gudihiisa iyo dibeddaba, waxaan helay
waayo-aragnimo aqoonyahaano dibadda laga keenay oo dalka ka shaqeynayey,
kuwaas oo lahaa kuwa wadamada Carabta, Kuuriya, Talyaaniga iyo Midowga
Sofeeti.
S: Miyaad Kartuunka u aragtaa aalad casri ah ee dadka wax lagu
gaarsiyo?
J: Ujeedadu waxay tahay gaarsiintu in ay noqoto mid wax ku ool ah oo
dhaqso loo fahmo. “Sawirku waa gabay aamusan” waxaa yiri Hadraawi. Laba
arrimood ayaa muhiim ah: tan 1aad waa in aad hesho dareen ahaan wax kuu
muuqda; tan 2aadna waa in aad dareenkaas sawir muuqda oo dadka kale kula
arki karaan u beddesho. Halkan waxaan kaalin muhiim ah cayaaraya
farsamada Kartuunka. Wax badan ayaan farshaxan ahaan dunida iyo
Soomaalidaba ugu muujiyey dhibaatada dagaalka sokeeye, qaab sawir ‘Kartuun’.
Dhowr bandhig ayaan ka sameeyey magaaladda Jabuuti. Kii ugu dambeeyey
waxaan ku dhigay Hotel Sheraton oo ay ka soo qaybgaleen Safaarado iyo
Hey’ado caalami ah. Xilligaas oo ku soo beegmay Shirkii Carta lagu
qabtay ee heshiisiinta Soomaaliya oo aan ku muujinayo dhibaatada dalka
Soomaaliya. Halkaas waxaa lagu iibiyey wixii sawir ahaa oo aan sameeyey.
Dadka gadanayey waxay u badnaayeen shisheeye. Wixii dakhlii ka soo baxay
waxaan ugu deeqay shirka laftiisa.
S: Fikradaha aad sawirto sidee kuugu dhashaan?
J: Iskama timaado! Waxay ka tarjuntaa dhacdo aad markaas kuu muuqata,
ka dibna dareenka ayaa kugu hoggaamiya in aad sidaas u sawirto.
Mudnaanta ugu weyni waa in qofka fiirsanaaya ama aqrisanaaya uu si fudud
u helo nuxurka iyo ujeedada. Waxa doorka weyn ciyaara waa xogta iyo
waayo-aragnimada aad ka haysato waxaad gudbineyso.
S: Inaad sidaan caan ugu noqonayso Kartuunka, ma filaysey?
J: Maya, ma filayn. Wixii aan jeclaa wax kale ayeey ahaayeen, laakiin
koleyba kama fogeyn fanka laamihiisa kale, waxaana u malaynayaa in aan u
dhammaan doono filim sameyn xagga Kartuunnada ah. Waxaan maanka ku hayaa
in aan mar uun gaaro soo bandhigga filim Kartuun (Animated Cartoon) ah
oo ku saabsan wejiga dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.
Sawirada Amiin Caamir: HALKAAN RIIX
Ama websitekiisa www.AminArts.com
|