Abwaan Yuusuf Yare - Safari Phone
Home
Price list
Link exchange
Register
Feedback
 
Sign in
Login:
Password:

forgot password?
Search:     
search in results

Advanced search

Catalog
Audio
VHS
DVD
Receivers
Fanaaniin Somali
    Fanaaniinta Dumurka
    * Fanaaniinta Raga
Fanaaniin Hindi
Bashaal
Games/Ciyaar
Prayer Times
Amin Amir Arts
Cunto/Food
The Holy Quran - Qur'an Al Kariim

Home / Fanaaniin Somali / Fanaaniinta Raga
Printer friendly version Printer friendly version

Abwaan Yuusuf Yare
enlarge...

Abwaan Yuusuf Yare

(vote(s): 26)

 
Rate this item
Excellent
Good
Average
Poor
Puny

In stock: no

Abwaan Yusuf Yare

Birth Country: Somalia
Singer: Waaberi group
axay Ka Xusuusan Tahay Waayihii Jacaylkii Soo Maray - ďUbaeri dhii Abwaan:-Yuusuf Yare (Waxaan Halgan Ugu Jiraa Inaa Noqdo Riwaayad Qore Caan Ka Ah Afrika Iyo Aduunka Intiisa Kale).


Burburkii Qaranka Soomaaliyeed Shaqsiyaad Badan Oo Magac Iyo Maamuus Ku Lahaa Bulshada Soomaaliyeed Dhexdeeda Ayaa U Kala Hayaamey Shanta Qaaradood Ee Aduunka Kuwaasina Waxaa Ka Mid Ah Hal-abuurkii Ugu Daīda Yaraa MuŠlifiintii Heerka Qaran Ee Soo Marey Dalkeena Soomaaliya Abwaan Yuusuf Maxamed Muumin (yuusuf Yare),Wuxuuna Haatan Ku Nool Yahay Caasimada 3aad Ee Dalka Sweden Magaalada Malmo.


12kii Nov Sanadkii 1965tii Ayuu Abwaan Yuusuf Yare Ku Dhashay Magaalada Jamaame Wuxuuse Ku Bar-baarey Oo Uu Malcamada Quraanka Iyo Waxbarashadiisii Dugsiga Hoose,dhexe Iyo Sareba Uu Ku Dhameystey Degmada Kismaayo Caasimada Gobolka Jubada Hoose Intii U Dhexeysey Sanad Dugsiyeedkii 71/72 Ilaa 82/83dii,Shaqdiisii Qaranka Oo Xilligaa Lagu Magacaabi Jirey Gurmadka Mashaariicda Qaranka Wuxuu Ka Soo Fuliyey Degmada Ceel-dheer Oo Ka Tirsan Gobolka Gal-gaduud.

Aqoontiisii Heerka Jaamacadeedna Waxay Ahayd Kulliyada Siyaasadda Iyo Saxaafada Ee Jaamacada Umadda Soomaaliyeed Isagoona Ardey Ka Ah Ayuu Ka Mid Noqdey Abwaaniinta Heerka Qaran Ee SoomaalidaWuxuuna Safka Hore Ka Galey Riwaayad Curiyayaashii Hobolada Waaberi Markii Uu Dabayaaqadii sanadkii 1987dii Uu Soo Bandhigey Maadeyskii Maskaxda Shacbiga Soomaaliyeed Ay Ka Wada Maqsuudeen Ee Hal-ku Dhigeedu Ahaa (Yaa U Wanqaley Waqtiga?) Taasoo Ilaa Haatan Murtida Heesaha Dabacsan Ee Riwaayadaasi Ku Jirey Aaney Weli Dadweynuhu Ka Xiiso Dhigin Dhageysigooda.


Abwaan Yuusuf Yare Waa Xaas Wuxuuna Leeyahay Afar Caruur ah Ilaahay Ha Dhaafo Oo Ha Dhureeyee,Waxaanan Nasiib U Yeelanay Inaan Khadka Internedka Kula Yeelano Wareysi Dheer Oo Dhinacyo Badan Taabanaayo Si Ay Uga Bogtaan Umadda Badan Oo Hamuun U Qabtay Iney Helaan Xogta Iyo Xaalada Dhabta Ah Ee Abwaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed Meel Walba Oo Ay Joogaan Ay Gaarka ugu Xisaabtamaan Ugana Tilmaansadaan Hal Abuurada Tirada Badan Ee Heerka Qaran ee Soomaaliyeed.


Abwaan Yuusuf Yare Iyo Fanaanka Codka macaan ee La magac baxay Lafoole oo ah Xidig ka mid ah Fanaaniinta Dhalinyarada Casriga, shacabka Soomaalidu aad u jecelyihiin ayaa Waxay Bisha Dicember ee Sanadkaan Ku Soo Fool Leeyihiin Magaalada Toronto Ee Dalka Canada Si Ay Shacabka North America Ku Nool ugala Qeyb-qaataan Soo Dhoweynta Sanadka 2004ta.

Hadaba Wareysigii Aan La Yeelaney Abwaan yuusuf Yare Wuxuu U Dhacay Sidan:

SuŠal:- Goormaad Fanka Iyo Hal-abuurka Suugaanta Aad Bilowdey?


Jawaab:- Marka hore Mohamed Deeq Alfa aad baad ugu Mahadsantahay soo dhoweynta aad igu soo dhoweysay shabagada somaliroots.com, Sidoo kale waxaan kaaga mahad celinayaa sida aadka ah ee aad xilka isaga saarto marwalba isu soo ururinta iyo horumarinta Suugaanta soomaaliyeed. Hadaba hadaan su'aashaada kaaga jawaabo Fanka Iyo Hal-abuurku MaŠha Wax La Bilaabo ee Waa Hanti Iyo Hadiyad Gaar Ah Oo Uu Rabbi Baxsho Kuna Abuuran Qofka.


SuŠal:-Goormaad Dareentey Inaad Adigu Awood U Leedahay Curinta Maansada?Mana Noo Sifeyn Kartaa Sidaad Ku Dareentey?


Jawaab:- Yuusuf Ahaan Waxaan Dareemay Anigoo 10jir Ah Ardeyna Ka Ah Dugsiga Hoose/dhexe Farjano Ee Degmada Kismaayo,Sidaan U Dareemayna Hadaan Kuu Faah-faahiyo Waxay Ahayd Anoo Xubin Ka Ah Ubaxa Kacaanka Iskuulkeenii Ayaan Waxaan Soo Jeediyey Inaan Heeso Cusub Sameysano Xafladaha Xiritaanka Dugsiga,Iyo Tartamada Aan La Geleyno Ardeyda Kale,Anigoo Markaasi U Heysta Sameynta Heesaha Iyo Curinta Suugaanta Noocyadeeda Kala Duwan Wax Fudud Oo Ardeydoo Dhan Ay Iska Sameyn Karaan Ilaa Heer Aan Noqdo MuŠlifkii Iskuulkeena.


SuŠal:-Wax Ma Nooga Sheegi Kartaa Ereyada Heeskii Kuugu Horeeyey Ee Aad Curiso?


Jawaab:-Haa Waxaa Ereyadiisa Ka Mid Ah Heeskii Ugu Horeeyey Oo Anigoo Ardey Ah Oo 10jir Ah Aan Hal-abuuro
Ardey Baan Ahoo.........AayideyWarkii .......Aabahohood Siyaad.........,Inagoo Ogsoon.......Aayaha Dalkiyo..........Aayatiinkayaga......Idil Waxaynu Nahay........Ubixii Dalkoo Is-urursadee.


SuŠal:-Waa Imisaad Is Leedahay Tirada Guud Ee Heesahaad Curise?Heeskeedna Ugu Jeceshahay Dhamaan Heesahaad Sameysay?Maxaadse Ugu Jeclaatey?


Jawaab:-Ilaahow Hadalkaaga Xisaab Yaan La I Oranin,Ma Tiro Koob GoŠn Hadda Ma Ku Siin Karo Heesaha Aan Sameeyey,Laakiin Waxaan Kuu Sheegayaa Inaan Leeyahay Diiwaan Ay Keydkeyga Suugaantoo Dhan Ku Urursan Yihiin,Hadaad Tiri Heeskeed Ugu Jeceshahay Waxaan Ugu Jeclahay Hees Aaney Weli Maqlin Dhegaha Shacabka Soomaaliyeed Oo La Yiraahdo(Farjano) Oo uu Ku Luqeeyo Fanaanka Codka Dabacsan Leh Ee Lafoole. Waxaanan Rajeynayaa In Sanadka Cusub Ee 2004ta Uu Soo Bixi Doono Inshaa Allaah Ereyadiisana Waxaa Ka Mid Ah....Cosob Hooyadeydii...........Ciidey Ku Umushee....Waa Cawaale Inankani.......Caweys Loogu Sacab Tumey...........Cadka Xudunta Teydiyo.......Cinjirtey Ku Aaasney........Oon Casharkii Quraankiyo........Cilmi Kaga Tanaadeen ..............Caruurnimiyo Hanaqaad...........Cisi Ugu Bar-baariyo........Cara-edeg Kismaayiyo............Faanooliyo Calanleey...........Cirifkii Shaqaalaha........Farjanaan Casuumaad........Kuugu Tumi Ciyaarohoon........Caashaqeena Ugubka Ah.........Calankiisa Surayaa......Carfoon Soo Caga-cagee..........Cagaha Miisaan U Yeel.....Ha Cabsane Soo Ciyaar. Sababta Gaarka Ugu Jeclaadeyna Farjano Waa Xaafadii Aan Ku Soo Bar-baarey Iyo Magaca Dugsigii Hoose Dhexe Ee Aan Ka soo Baxay Xitaa Fanaanka Loo Doorey Inuu Ku Luqeeyo Waa Mid Iyada Lafteed Uu Micno Ku Jiro


SuŠal:-Imisa Riwaayadood Ayaad Sameysay? Waxse Ma Nooga Sheegi Kartaa Magacyadooda?Mideedse Is Leedahay waad Ugu Jeceshahay?


Jawaab:-Dhab Ahaan Riwaayado Shan Iyo Toban Gaaraayo Ayaan Sameeyey,Hadaan Wax Kaaga Xusana Waxaa Ka Mid Ah Yaa U Wanqalay Waqtiga?,Qofbaan Ahaye Miyaan Qeybsamaa?,Aduunyoy Mee Aayahaa?,Cugataye Ma Calfan Doontaa?,Beertii Ayaxa!.Isku Raran!,Koorihii Dhalanteedka!, Baqihii Gogosha!,Waayo Arag Waxba Kama Dhina,Iyo Kuwo Kaloo Badan, Waxaan Ugu Jeclahay Middii Ay Dadweynuhu Ugu Jeclaadaan.


SuŠal:-Abwaan Maxaad Uga Jeedey Yaa U Wanqaley Waqtiga?Ma Sheeko Kugu Dhacday Baad Ka Sameysey Maadeyska Sida Dad badani Qabaan?


Jawaab:-Horta Waxaad Ogaataa Hees Kasta oo Uu Hal-abuur Curiyo Waxa Uu leeyahay Labo Ujeedo Middi Waa Tan Dadweynaha Iyo Fanaanka Ku Luqeeyey Ay U Heystaan Ama Loogu Sifeeyo Midina Waa Mid Abwaanka U Sir Ah,Marka Yaa U Wanqaley Waqtiga Sida Cad Waxaan uga jeedey Yaa U Magac Bixiyey Waqtiga Mar Haddii Waqtigu Uu Aaadamiga Ka Weyn Yahay Sida Ku Cad Suratul Baqara,Waxaanan Lahaa Hala Daayo Eeda Waqtiga Lala Doonanaayo Sida Waqtigaa I Xumeeyey,Waqtigaa I Dabrey,WaqtigaaIgarba Duubey Iwm.Maya Sheeko Igu Dhacdey Kama Sameyne Waa Qiyaali Aan Hal-abuurey Oo Bulshada IntaBadan Ka Dhax Dhici Kartey Xilligaa Kala Haajirku Bilowdey.


SuŠal:-Yaa Gacan Kugu Siiyey Soo Bandhigideda Maa Daama aad Ahayd Wiil Dhalinyaro Ah Oo Ku Cusub Fanka?


Jawaab:-Waxaan Heley Garbo Badan Oo Aad Ula Dhacay Dadaalkeyga Ha Ugu Horeyso Macalimadeyda Fanka Hibo Maxťd Hudoon(Hibo Nuura), Saada Cali Warsame Iyo Dhamaan Jilayaashii Kale Ee Qeyb Ka Qaadanayey Jilista Riwaayadeyda Iyo Ragii Naaxiyada Macaan Sameeyey Sida Hanuuniye,Shamuuri,Maxťd Suleyman,Jubba IyoMaxťd Xuseen Faarax Oo Muusikada Riwaayada Dhisey,Waxaan Marna Maskaxdeyda Ka Goťyn Saaxibkey Amiin Caamir C/dalla Oo Farshaxanka Quruxda Badan Iigu Hiiliyey,Sidoo Kale Weriyeyaashii Idaacada Iyo Kuwii Telefiishinka Iyo Qorayaashii Wargeyska Xiddigta Oktobar Iyo Dhamaan Dhalintii waqtigaas

SuŠal:- Haddii Sida Aad Ii Sheegtay Ay kuu Diyaarsan Yihiin Dhawr Iyo Toban Riwaayadood Maxaad U Soo Bandhigi Laīdahay?


Jawaab:-Riwaayadahaa Faraha Badan Waxaan u soo Bandhigi LaŠhay Nasiib Daro Xilligii Aan IsFududeyn Lahaa Waxaa Dalkii Ka Dhacay bur-bur Iyo Dagaal Sokeeye Shacabkeeniina Wuu Kala Yaacay,Aniggana Waxaan Dhex Taagnaa Dal Bur-burey Muddo 10sanadod Ah Hada Oo Aan U Soo Baxay Wadamadan Horumarey,Waxaan Ku Haminayaa Inaan Filimo Ka sameeyo Aniggoo Howshaa Bilowgeeda Guda Geli Doona Haddii alle Idmo Aakhirka Sanadkaan Marka Aan Toronto Imaado,Waxaanjan Arintaasi Aan Ka Filayaa Iney Gacan Weyn Iga Siiyaan Halyeyada holfeyn Oo Isku Mashquuliyey Dib U Soo Nooleynta Fanka soomaaliyeed Markii Dalalkan Loo Soo Hayaamey.Mahad Balaarana Waan Uga Celinayaa Sida Ay Isu Xilqaameen.


SuŠal:-Inta Badan Abwaaniintiina Waxaa La Idinku TiriyaaInaad Qeyb Wen Ka QaadateenKicintii Shacbiga Iyo bur-burintii Qaranka Adiga Maxaad Ka qabtaa?


Jawaab:-Horta Dadka Ilaahey Isku Wada Aragti Iyo Isku Wada Cabir Midna MaŠha Waxaa Laga Yaabaa In Abwaaniintu Qaarna Maya Ay Leeyihiin Kuwana Haa,Anigase Waxaan Qabaa Inta badan Eedaasi Waan Leenahay Hadaan Abwaaniinta soomaaliyeed Nahay,Waayo Waxaan ololeynay Ridida Dowlad qabiil,Waxanan U Yeeray Jabhado Qabiil oo Iyaguba Toban U Qeybsanaa Fikr Iyo Ujeedo Midana Aaan Lahayn,Waxaa Kaloon Shacbiga u Saadinay Saad Xun Waanan Habaarey Iwm.


SuŠal:-Sidee Hadaba Dhibaatada Aad Geysateen Dhaawaceeda loo Bogsiin Karaa Bay Kula Tahay,Adigu Qof Aahaan wax Isku Dey ah Ma Ka Sameysay?


Jawaab:-Dhibaatadaa Waxaan Is Leeyahay In Marka Hore La Helo Naadi Mida Oo Ay Yeeshaan Fanaaniinta Soomaaliyeed,Waayo Waxaan Qabaa aniggu Qof Ahaan (Fikir Iyo Fan Mideysan Ayun Baa Mudi Kara maamul Iyo Qaran mida),Wax Isku Day Ah Ma Ka Sameysayna Haa Oo Waxaan Qaban -qaabiyey Inuu Qabsoomo Kulanka Abwaaniinta Heerka Qaran Ee Dalalkan Iskandanefiyanka La Yiraahdo Halkaasoo Aan Hada Ku Nool Nahay 5 Abwaan Heer Qaran Oo Kala Ah Abwaan Xasan sheekh Muumin,Abwaan Cabdi Aadan Qeys,Abwaan Barre Maxťd Fiidow;Abwaan Aadan Maxťd Cumar(Looshade) Iyo Aniga Yuusuf Yare Ah,Waxaanan Jecelnahay Inaan diyaarino Naadiga Fanaaniinta Iskandanifiyanka Oo Aan Uga sii Gudubno Mid Yurub ah Ilaa La Helo Mid Guud.


SuŠal:-Waxaa Jira Dhalin Yaro Badan Oo Fanaaniin Ah Oo Ku Soo Caan Baxay Qurbaha Oo Ku Luqeeya Heesaha Fanaaniintii Hore,Sidee U Aragtaa Ma Ku Qaldan Ihiin Iney Ku Luqeeyaan Heeso Fanaan Kale Lahaa Mise Wey Ku saxan yihiin,Maxaadse Heeso Ugu Sameyn Weydeen?


Jawaab:-Walaahi Anigu Dhib Uma Arko Ku Luqeynta Fanaaniintan Heeso Hore Loo Qaadey Ku Luqeeyaan,Balse Ereyga Ah Hees fanaan Hore Uu Lahaa Waxaan Maleynayaa In La Yiraahdo In Laga Qurux Badan Yahay,WaayoHorta Lahaasho Waa Milkiyad Hadaba Fanka Soomaalida Ma Laha sharci Sharci U Kala Qeexa Cida Iska Leh Milkiyada Iyo Cida Isticmaalka Uun Ku Ek,Bal Adiga Aan Kugu Celiyee Heeska Ma Waxaa Leh Abwaankii Ereyada Curiyey,Mise Midkii Laxamka Saarey,Mise Kii Ku Luqeeyey.Heeso Maxaad Ugu Sameyn Weydeyna waxaan Filayaa Inaaney Jirin Cid U Diidaye Iyaga Naftoo Dhalintan Danbe Waxaa Inta Badan Ka Dhunsan Marinkii Iyo Kala Danbeyntii Fanka,Howl Badan Intey Geli Lahaayeena Waxay ka Door Bideen Iney Isticmaalaan Mid Loo soo Diyaariyey


SuŠal:- Maalin Walbo Waxaa Internedka Lagu Soo Bandhigaa Fanaaniin Badan Oo Ku Dhiban Gudaha soomaaliya Kuwaasoo Ka Codsanaaya Iney Gacan Qabtaa walaalahooda Fanaaniinta ee Dibada Ku Nool Oo Aad Adigu Ka Mid Tahay Maxaad Ka Qabataa Ama Ka Geysataa?


Jawaab:-Waa Dhab Waan Arkaa Koley qof Ahaan waxay ila Tahay sida Keliya Ee Wax loogu Qaban Karo Iney Tahay Iyadoo Loo Sameeyo Sanduuq Furan Oo dhaqaale loogu ururinaayo Xubin Kasta Oo fanaan Ah Oo Dibada Ku Noolna ay Bil walba Ku Rido Waxaan Iyaga Waxba u dhimeyn Dhaqaala Ahaan Wax Weyna U Taraaya Walaalohoda Dhibaateysan,Loona Sameeyo Guddi Maareeya Oo Kontaroolo,Taasina Fikirkeyga Xubno BadanOo Fnka Iiga Weyn Iigana Horeeyey Ayaan U soo Bandhigey Ka Mira Dhalinteedana Way Socotaa.


SuŠal:-Abwaan Yuusuf Yare Ma Is Lahayd Heerkan Aadka U Sareeya Ee Aad Ka Gaartey Fankan Soomaalida,Iyo Magacan Iyo Qadarinta Aad Ku Leedahay bulshada soomaaliyeed Waad Gaari Doontaa Adoo Dażar Mise Filan Waa ayey Kugu Ahayd?


Jawaab:-Ninkii Dadaalo waa Gaaraa Ninkii Beertana Wuu Goostaa, Inkastoo100% Aanan Ku Dhihi Karin Hadana waan Ku Hamin Jirey Inaan Mar Uun Noqdo Abwaan heer-Qaran Ah,Waayo Aniggoo Dugsiga Hoose/Dhexe Dhigta Ayaan Dhihi Jirey Waxaan Ka Mid Noqon Doonaa MuŠlifiinta Heerka Qaran Gaar Ahaan Waaberi Riwaayada Ugu Horeysa ee Aaan sameeyana Hibo Nuuro Ayaan Qalanjo uga dhigi doonaa Ilaahayna Hamigeygii Wuu Ii dhabeeyey
SuŠal:-Hadaba Haddii Adigoo Dażar Aad Xiratey Magaca Hal-abuuri Heer Qaran Sow Guushii Aad Higsaneysay Ma Gaarin?
Jawaab:Dadku Wey Yiraahdaan laakiin Anigu Ma qabo oo Waxaan Halgan Ugu Jiraa Inaan noqdo Riwaayad Qore Caan Ka Ah Afrika Iyo Aduunka Kale.


SuŠal:-Ugu Danbeyntii Maxaad U Soo Jeedin Lahayd Shacabka soomaaliyeed Guud Ahaan Iyo Gaar Ahaan fanaaniinta Soomaaliyee Ee Ka Akhrisan Doonto Internedka?

Jawaab:-Guud Ahaan Shacabka Soomaaliyeed Iyo Gaar Ahaan Fanaaniinta Soomaaliyeed Ee Waresigaygan akhrineysa Waxaan Hawada U soo Marinayaa Salaan Qiimo weyn Xambaarsan Ilaahayna Waxaan Ka baryayaa Fadliga bisha ramadaan darteeda Inuu Umadeena Quluubtooda isu Soo dumo.

Mahadsanid Abwaan yuusuf.


News

Subscribe for the newsletter:



Poll
  

Language

Change currency

Please select a currency:








   
 
[ Home | | | Price list | Register ]
Copyright © Safari Phone. All rights reserved.
Adress: 146 Seven Sisters Road, N7 7PL, London, UK. Tel: +44 (0)207 2639916