Faaduma Qaasim - Safari Phone
Home
Price list
Link exchange
Register
Feedback
 
Sign in
Login:
Password:

forgot password?
Search:     
search in results

Advanced search

Catalog
Audio
VHS
DVD
Receivers
Fanaaniin Somali
    * Fanaaniinta Dumurka
    Fanaaniinta Raga
Fanaaniin Hindi
Bashaal
Games/Ciyaar
Prayer Times
Amin Amir Arts
Cunto/Food
The Holy Quran - Qur'an Al Kariim

Home / Fanaaniin Somali / Fanaaniinta Dumurka
Printer friendly version Printer friendly version

Faaduma Qaasim
enlarge...

Faaduma Qaasim

(vote(s): 51)

 
Rate this item
Excellent
Good
Average
Poor
Puny

In stock: no

Fatnuustii Fanka Faaduma Qaasim

FANAANIINTII ISKA DHAXASHAY FANKA

Fanka Soomaaliya oo muddo dheer soo jiray intii uusan ku dhicin burburka wixii ka dambeeyey 1990-kii ayaa waxaa jirtay fanaaniin Soomaaliyeed oo iska dhaxashay fanka waxaana kooxaha fanka ka dhex muuqday fanaan iyo caruurtiisa ama fanaaniin walaalo ah waxaana maanta muwduuceena fanka idiinku soo gudbinaynaa macluumaad ku saabsan arrintaasi.

Allaha u naxariistee Abwaan Qaasim Hilowle waxaa fanka ka dhaxlay gabdhihiisi Faadumo Qaasim Hilowle oo loogu yeeri jiray (faynuustii fanka) iyo Muslimo Qaasim Hilowle oo kale ahaa Heesaa iyo Muustikiiste ka wada tirsanaa hoboladii Waaberi in kastoo sanadahan dambe ay muslimo qudheedu noqotay fanaanad heesta ayada oo raacaysa wadadii walaasheed ka horaysay Faadumo Qaasim waxayna Muslimo oo garaaci jirtay qalbka loo yaqaan Fiiso Armoonaha ee heeso la qaaday sanadahan dambe Macow Ow Diinle (Abtow) oo ah mid ka mid ah heesaayaasha ugu caansan hobolada waaberi qaybta Banaadiriga ah.

Allaha u naxariistee Abwaan Aweys Geedoow Diinle waxaa isagana fanka ka dhaxlay wiilkiisii Max’ed Aweys Geedoow oo ah heesaa ka tirsanaa kooxdii Libaaxyada Maaweeliska Banaadir Allaha u naxariistee Abwaan Max’ed Jamaac Joof waxaa isna ka dhaxlay fanka walaalkiis Axmed Jaamac Joof oo ah heesaa ka tiran hobolada Waaberi.Allaha u naxariistee Cumar Dhuule Cali oo ahaa heesaa caan ah waxaa isna fanka ka dhaxlay gabadhiisii allaha u naxariistee Laylo Cumar Dhuule.

Allaha u naxariistee Mulaxamiiste Xuseen Baajuuni oo ka tirsanaa kooxdii Muusiga Soomaali Jaas ee Hobolada waaberi waxaa isna fanka ka dhaxlay gabadhiisii Xabiibo Xuseen Baajuuni .Sidoo kale waxaa fanka soo maray fanaaniin walaalo ah waxaana ka mid ahaa

Allaha u naxariistee marxuumiintii ilmo Mooge Max’ed iyo Axmed Abwaan Jaamac Sulaymaan Tubeec iyo walaalkiis Max’ed Sulaymaan Tubeec (Boqorkii Codka) ,Axmed Shariif Killer iyo walaakiis Cabdulaahi Shariif Baastoow, Abwaan C/qaadir Cali Cigaal (Ciro) iyo walaalkiis Axmed Cali Cigaal ,Allaha u naxariistee Ciise Daahir Qaasin iyo walaalkiis Abuukar Daahir Qaasim oo labaduba ahaa Mustikiistayaal ka tirsanaa kooxda Durdur.

Cumar Xasan Cabdi (Rooraaye) iyo walaalkiis allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Xasan Cabdi .Cabdi Tahliil Warsame iyo walaashiis allaha u naxariistee Siraad Tahliil Warsame .

Allaha u naxariistee Ibraahin Baadil Ibraahin iyo walaalihiis Cabdi iyo Cabdirisaaq oo labaduba ahaa heesaa iyo mustikiiste ka tirsanaa hobolada Waaberi.Siciid Xasan Axmed (Siciid Toom) iyo walaashiis Luul Xasan.


Waxaa diyaariyey:

Axmed Max’ed Cabdulle (Uur Doox).


News

Subscribe for the newsletter:



Poll
  

Language

Change currency

Please select a currency:








   
 
[ Home | | | Price list | Register ]
Copyright © Safari Phone. All rights reserved.
Adress: 146 Seven Sisters Road, N7 7PL, London, UK. Tel: +44 (0)207 2639916